Gudoomiye cusub ayaa loo magacaabay maxkamada sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Haddaba maxaa ka taqaanaa Tariikhda Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare?

Taariikhda waxbarasho iyo shaqo ee gudoomiyaha cusub ee maxakamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed: Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu sidoo kale la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Dalka sanadkii 2016kii.

Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.

DEG DEG M. Farmaajo Oo Xilkii Ka Qaaday

DEG DEG Madaxweyne Farmaajo Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare Ee Dalka, Magacaabayna Guddoomiye Cusub.Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka ayaa ka waramaya.

Posted by Official Somali Cable on Sunday, May 27, 2018