Dagaal isugu jira Rasaas iyo Qaraxyo oo lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Waxaa Caawa Weerar xooggan oo isugu jira Qaraxyo Bambaanooyin loo adeegsaday lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka Xaruntaasi ku taalo ayaa u sheegay saxaafadda, iyadoo ilaa 5-bambo Gacmeed lagu weeraray Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoo kadib la maqlay rasaas la sheegay inay isweydaarsanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.

Maamulka Degmada Deyniile ayaa sheegay in qaraxyada Bambooyinka ay jiraan islamarkaana Ciidamadda ay iska caabiyeen ragii hubeysnaa ee soo weerar Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Dhanka kale Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xafiis iyo guri u aheyd maalmihii dambe Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,inkastoo uu haatan ku shaqeeyo Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, sidoo kale ma Jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay weerarkaasi caawa dhacay.