Wasiiro ka tirsan maamulka Soomaaliland oo maanta booqanaya deegaanka Tukaraq ee G/Sool.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliland ayaa maanta ku wajahan aagga dagaalka uu ka dhacay ee Tukeraq ee gobalka Sool oo ay wali ka taagan tahay xiisad dagaal.


Wasiirka Gaashaandhigga Ciise Axmed, Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Soomaaliland, ayaa lagu wadaa inay gaaraan Deegaanka Tukaraq, sidoo kale Waxaa wafdiga ka mid ah Taliyaha Milatariga Soomaaliland.

Dhanka kale arintaan ayaa la sheegay inay sii hurineysa Xaaladda kacsan ee deegaankaas ka jirta waxaana cabsi laga qabaa iney ka sii darto xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool, Ma jirto wax dadaalo ah oo socda si loo joojiyo dagaalka dhiigga ku daadanaya ee deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.