Madaxweyne Xaaf “Hadii ay tabasho qabaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gud. Baarlamaanka waa inay yimaadaan Dh/mareeb..”

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ka hadlay Khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Galmudug.

“Waa wax laga xumaado hadalkii maanta Magaalada Cadaado ay sheegeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug .

Madaxweyne Xaaf wuxuu sheegay in khilaafka jira lagu xalin doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamul Goboleedka Galmudug, wuxuuna sheegay in hadii ay tabasho qabaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inay yimaadaan magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa labaad ayaa dhankooda sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka codsanayaan inaysan kala geyn ummadda Soomaaliyeed.