Kooxo Bistoolado Wiil Dhalinyaro ah maanta ku dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha.

Iyadoo lagu jiro Bishaan Ramadaan dilalka ugu badan ayaa laga geestay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, wuxuuna suuqa uu noday meel ay ka taagan tahay xaalad Cabsi ah, kadib markii ay ku soo bateen kooxaha Bastooladaha ku hubeysan ee dilka fulinaya.

496515016

Waxaa maanta duhurkii ka dhacay Suuqa Bakaaraha dil ay fuliyeen kooxo Bastoolado ku hubeysan sida ay sheegeen dad xiligaasi ku sugnaa suuqaasi, ragga dilka fuliyay ayaa sidoo kale kale iyagoo cabsanayn waxay filim ka ka duubeen qofkii ay ku dileen suuqa.

Dhanka kale Marxuumka la dilay ayaan la ogayn wuxuu ahaa, iyadoo kooxaha dilka gaystayla sheegay inuu ka mid ahaa nin Oday ahaa oo watay Bastoolad, kaasi oo da’diisu lagu qiyaasay ilaa 50-jir, waxayna kooxahaasi dilka gaystay si nabad ah isaga tageen goobtaasi markii ay dilka gaysteen.