Walaalaha Muslimiinta ee Soomaaliyeed soo Caawiya Miskiinkan u Baahan in la Cawiyo.

Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Xuseen Kudan, waa Aabe dhalay 7-caruur ah, isla markaasina aan lahayn labadiisa Lugood, iyadoo uu ku waayay Kaawo ku qaraxday, mana haysto wax ka kaalmeeya qoyskiisa, mana ahan nin shaqeyn kara, xaalkiisa waa mid aad u liita siada aad aragtaan.

Maadaama lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan wuxuu ka codsanaaya Bulshada Soomaaliyeed kuwooda Alle siiyo Hantida inay soo Caawiyaan,mana ahan nin awooda inuu Gar guurto maadaama uu Yahay Nin Oday ah, wuxuu Doonayaa in laga Caawiyo Mootada ay ku socdaan dadka Curyaamiinta ah.

“Waxaan ka codsanayaa Ganacsatada Soomaaliyeed, Siyaasiyiinta iyo Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed inay iga kaalmeeyaan sidii aan u heli lahaa Mootada ay ku socdaan Dadka Curyaamiinta ah sideeda oo kale” ayuu yiri Cali Xuseen oo ah Aabe Curyaan ah oo weliba aan u shaqaysan karin Caruurtiisa.

Bishan Ramadaan oo ah bisha loo baahan yahay in la kaalmeeyo dadka Dhibaataysan sida ruuxaan Curyaanka ah, islamarkaana ah nin Sadaqadu ku kacdo oo u baahan in Bulshada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay waa inay u soo naxariistaan oo ay soo kaalmeeyaan.

Hadaba cid kasta oo doonaysa Ninkaasi Curyaanka ah Bishan Ramadaan Fadligeeda inay kala soo xiriiri karaan Taleefanka uu wato oo nambarkiisu Yahay sidan: 0616672001