Maqaal: 10 aafo oo laga dhaxli doono dagaalka Tukaraq

Markii bulsho meel wada degta ama darisnimo ka dhexeyso dagaal iyo colaadi dhex-marto, waxaa halkaas ku burbura masaalix badan oo bulshadaas ka dhexeyn jirey.

Haddaba, dagaalkaan maanta oogan ee wiilasheenna Soomaaliyeed ku dhammaanayaan, kana dambeeyaan dad dano gaara wata iyo cadow qarsoon, waxaa laga dhaxli doonaa arrimahaan soo socda:

“Haddaan Alle naga qaboojin”

1=Dhiig badan oo ku daata dagaalkaan, kaasi oo bulshada gobolladaas degta ku dhaliya dakano qarniyo socota.

2=Cilaaqaadka bulshonimo iyo is-dhexgalka oo dhuma.

3=Waxqabadka maamullada ka jira gobolladaas oo daciifa, xag maamul, amni iyo dhaqaale intaba.

4=Qabaa’ilka maanta dagaalka hurinaya oo dib iyaga colaadi uga dhex-dhalato, markii dhibku bato.

5=Dowladnimada Soomaaliyeed ay halkaasi burburkeedii ka sii xoogeysan doonto

6=Gobolkaan lagu dagaallamayo oo burbur, barakac iyo dhaqaale xumo ballaaran ku habsadaan.

7=Xiriirka dhaqaale ee gobolladaas iyo isu gudubka badeecadaha oo yaraada.

8=Kaalintii isimada ee xallinta dhibaatooyinka dhaca oo dhunta.
9=Afkaarta shisheeyaha iyo keenidda ciidamo nabad ilaalin ah oo bilaabata

10=Ururrada ka dagaallama Koonfurta dalka oo fursad dahabi ah ka hela dhibaatadaan jirta, kaddibna isku fidiya dhammaan gobollada dalka oo dhan.

Cabdulqaadir Cumar Aden Ciye