Faysal Waraabe “Farmaajo Wuxuu Ka Baxay Heshiis La Gaadhay. Nin Qabiil Wataa Qaran Ma Dhisi Karo…”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda Farmaajo ku eedeeyay inay dabada ka riixayso dagaalka kasoo cusboonaaday Tuka-raq.

Feysal Cali waraabe oo maanta warbaahinta ugu waramay magaaladda Hargeysa ayaa Sheegay in dawladda Soomaaliya ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Farmaajo ay ka baxday heshiis Maraykanku horseed u ahaa oo xalay la gaadhay, kaasi oo dhigayay in dagaalka la joojiyo, wixii maxaabiis ah la isku celiyo, wadahadaladii Somalia iyo Somaliland sidii loo soo noolayn lahaa laga wadahadlo.

Waxaanu sheegay in heshiiskaasi oo afar qodob ka koobnaa ay xukuumadda Farmaajo ka baxday.

Somaliweyn Media Center
Hargeysa