Mareykanka oo Duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyay Duleedka Muqdisho,iyadoo la baarayo khasaraha dadka rayid ah.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay baari doonaan duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka ka fuliyeen meel magaalada Muqdisho u jirta dhowr iyo toban Mile.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in duqayntaasi in ay la beegsadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay ku dileen dhowr iyo toban ka tirsan Maleeshiyaadka Al- Shabaab ah.

Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ayaaa Duqeymaha ka fuliyay Arbacadii duleedka Muqdisho, waxayna Mareykanku sheegeen inay baarayaan in duqeyntaas dad rayid ah khasasro ka soo gaartay iyo in kale.

Taliska AFRICOM ee Maraykanka ayaa horay loogu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dileen weeraro ay si wadajir ah uga fuliyeen dalka Soomaaliya ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.