Qoys Ahaan Waxaa Iga Geeriyooday Sideed Qof Oo Lix Aanu Walaalo Ahayn Iyo Hooyada Iyo Aabahay,

Ibraahin Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata deegaanka Gargaara oo ka mid ah xeebaha gobolka Awdal ayaa ka warramay masiibo ka soo gaadhay roobabkii duufaanada ahaa ee ku dhuftay gobolada Awdal iyo Selel. Ibraahin Muuse Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo ku maqan waxbarashadiisii ay reerkoodii qaadeen daadadkii xooga badnaa ee ka dhashay roobabkii ka da’ay xeebaha gobolka Awdal, waxaanu sheegay inay ka geeriyoodeen sideed qof oo ay ku jiraan hooyadii iyo aabihii. Ibraahin Muuse oo ka hadlaya masiibada uu kala kulmay roobabka ayaa waxa uu yidhi “Magacaygu waa Ibraahin Muuse Cabdi xaafadayada lamaan joogin oo dugsi ayaan dhiganayey, subaxdii ay duufaanadu yaraadeen ayaan xaafadii tagay,waxaanan arkay xaafadii oo uu daad qaaday, qoyskayagiina waxa ka hadhay aniga iyo sadex kale.” Ibraahin Muuse ayaa intaas raaciyey “Qoys ahaan waxa iga geeriyooday sideed qof oo lix aanu walaalo ahayn iyo hooyada iyo aabahay.” Xeebaha gobolada galbeedka somaliland ayey si adag u saameeyeen daadadkii awooda badnaa ee ka  dhashay duufaanadii ku dhuftay, iyada oo dadkii ku noolaa deegaanada xeebuhuna ay la yihiin guryo ay ku hoydaan, dhar ay xidhaan iyo cunto ay quutaan. Xukuumada somaliland oo diyaarado gargaar ah ka heshay dalka imaaraadka carabta ayaa haatan ku ku guda jirta inay gargaar gaadhsiiso dadka ay saameeyeen duufaanada ku dhuftay xeebaha dalku.

Somaliweyn Media Center
Hargeysa
mustaqbal7@gmail.com