Mid ka mid ah AJaaniibta ka bar bar dagaalama Al-Shabaab oo la sheegay inuu is dilay

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in meydka muwaadin Kenyaan ah oo u dagaalamayay Al-Shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala degmadda Jilib ee gobolkaasi.

Sarkaalkaan Shabaabka ee meydkiisa la helay ayaa magaciis lagu sheegay Cabdi kimani, waxaana laga helay dhabarka dambe ee guri ay dagan yihiin Ajaanibta dhawaan loo qoray inay Al-Shabaab u dagaalamaan, sida uu wariyay Wargeeyska the star ee Kenya ka soo baxa.

Wararku waxay sheegayaan in Kimani uu isagu is dilay, kadib sadax todobaad oo uu ku jiray xeradda cusub.

“Kimani wuxuu noqday kii sadaxaad ee shisheeye oo shan ah oo isdilay, waxaana jira tiro aan la aqoon inta ay la egtahay oo baxsaday” ayaa laga soo xigtay ilo wareed aan magacooda la shaacin.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wajahayaan xaalad Adag oo nololeed, kadib markii ay la kulmeen waxyaabihii ay filayn mid ka duwan.

“Shaqsiyaadka hadda ku soo biiray ururka ayaa ah kuwa ugu badan ee nolosha adag saameyso xilligaan oo Al-Shabaab ay la kulmayaan caqabado ay ka mid tahay daadad iyo cuduradda biyaha ka dhasha” ayaa sidoo kale la sheegay.

Wargeeyska the star ayaa sheegay in Haweeneey Tanzanian ah oo magaceddu ahaa Amina ay nafteeda is Dishay, kadib markii loo geystay xad gudub jinsi.

Dhanka kale Afmadow waxaa la soo wariyay in labo dumar ah oo aan magacooda la sheegin ay isku dayeen inay is dilaan xadgudubyo ay la kulmaan oowgeed.

Xigasho: the star