Dagaalka Tukaraq oo xoogaystay

Dagaal saaka hiraabtii hore ka qarxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa haatan aad u xoogaystay ,sida ay xaqiijinayan qaar kamid ah dadka ku sugan nawaaxiga degaankaasi.

Weli war sugan lagama hayo sida dagaalkan ku bilowday iyo dhinaca bilaabay midna,balse saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo diiday in magacooda la xigto ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday.

Dagaalkaan oo socda in ka badan laba saac oo xiriir ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhacayo ilaa saddex aag oo kala duwan,waxaana adag in xog faahfaahsan laga helo khasaaraha kala gaaray labada dhinac,marka laga reebo wararka lagu faafinayo baraha bulshada oo aysan  jirin cid xaqiijisay iyo meel laga soo xigtay midna.