Waa La Doogoobiye Yaan La Dacaroobin (codsi Ku socoto cuqaasha Soomaalilanderka)…

Anigoo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee jecel midnimadda iyo wadajirka guud ahaan umadda walaalaha ee Soomaaliyeed, hadana degaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Soomaaliya. Waxaan markasta maqalnaa Mudane Faisal Ali Waraabo oo hadal xanaf leh ku hadlaayo, hadaladaas ka imaanaayo Siyaasiga waxay markastaa abuuraan kala fogaasho iyo dib u xasuusin xanuun horey u jiray, mararka qaarkood waxaa hadaladaas ku jira mid meel ka dhac ah oo mudan in laga jawaabo.

Lakiin, hadaanu nahay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waligeen kama jabaabno hadaladaaas, taas nicnaheedu ma aha inaan ka jawaabi karin, lakiin waxaa na celinaayo xishood iyo walaal jeceel, taas awgeed waxaan ku codsanayaa cuqaasha iyo guud ahaan walaalaha Soomaaland in Faisal loo Sheego hadaladaasi aan wax faido ah aysan ku kordhineeynin xaaladaha murugsan ee ay maanta ku Sugan yihiin guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan ku amaanayaa walaalaha Reer koonfur inaysan u jawaabin siyaasiga waxay muujiyeen xishood iyo sharaf ayagoo qadarinaayo walaaltinimadda.

Faisal waa inuu ogaadaa inaan awood u leenahay jabaaw celin, lakiin waxbaa na celinaayo, waxaan u sheegayaa walaalkeey inaan ka gudubnay waxa uu sheegaayo oo uu naga xishooda.

Faisaloow kibir fircoon ayaa lagu ogaa ilaaheyna waad ogeed meeshii uu marsiiyey…

Wa bilaahi Tawfiiq.

Sheekhnur Abukar Qasim