Qoysaskii Fatahaadda Baladweyne oo maanta Gurmad la gaarsiinayo.

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in gurma ay siinayaan qoysaskii saameynta taban ay ku yeesheen Fatahaadda iyo Daadadka ku rogmaday Magaalada Baladweyne.

Deeqda oo bilaabaneysa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23-Ka Bishaan oo maanta ku beegan, iyadoona ay socon doonto tan iyo inta ay gurmadka wada gaarsiinayaan dadka u baahan.

Qoysaska ayaa ku kala sugan Magaalada Baladweyne iyo Deegaanada Dhaca Duleedka, waxaana la diiwaan geliyay Dadka Kaalmada la siiyo, si qoyskii la siiyo loogu diyaariyo dib ugu laabashada Deegaanadooda.

Biyihii fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo Daadadka ka dhashay ayaa inta badan ka guray Xaafadaha Magaalada Baladweyne, waxaana ka socda Howlo lagu nadiifinayo Wasaqda ka hartay Fatahaadda.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in si siman ay ugu qeybin doonaan Dadka Magaalada Deeqda loogu talagalay, waxa ayna Meesha ka saareen suurta galnimada in isdaba mareyn lagu sameeyo.