Nairobi: Nin lagu eedeeyay in uu la shaqeeyo Al-shabaab oo Maxkamad la soo taagay

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka soo muuqday Francis Macharia Karishu,kaas oo dhawaan laga qabtay degaanka Kooyaale laguna eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Francis Macharia Karishu,ayaa iska diiday eedaha loo soo jeediyay oo ay ka midyihiin in uu qorsheynayay weerarro uu ka geysto dhismayaasha dowladda ee degaanka Milimani,sida Maxkamadaha,saldhigyada ciidanka iyo meelo kale oo ah xarumo dowladeed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Francis Macharia Karishu uu markii hore Al-shabaab ka caawin jiray fududeynta howlgallada,marti gelinta, iyo u sahlidda shaqooyin kale.

Maxkamadda ayaa Ninkan ku sheegtay in Gaari uu watay laga helay 5 Qori oo AK 47 ah 36 oo Garneyl iyo Bambooyin badan,intaas kaddibna waxaa ay Ciidanka Booliska baahiyeen sawirka Ninkan iyaga oo baadi goobaya 2 todobaad kaddib ayaana laga qabtay degaanka Kooyaale.

Kiiska Ninkan iyo Shan qof oo kale,ayey Maxkamadda go’aamisay in dib loo dhageysanayo marka ay taariikhdu tahay 31ka Bishan May.