Maxkamada ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya wararkeeda oo saxda ah Waa sidan…

BEENI RAAD MA LEH:

Waxaan beryahaan arkeeynay hadalo runta ka fog oo dhowrkii beri la soo dhaafey barta Facebuuga lagu faafinaayay tasoo ahayd in dhegeysiga Maxkamada ICJ ee ku saabsan Muranka badda Somalia Iyo Kenya ay dhici doonta Bisha June 18, 2018. Arintaasi waa wax kama jiraan loogu talagalay in shacabka lagu jah-wareeriyo oo runta ka fog.

Runtu waa sidaan:

A) June 18, 2018 Somalia waxaa laga sugaya Jawaab qoraal ah oo hadda ay Lawyaradu ay mashquul ku yihiin.

B )Waxaa xigi doonto Jawaab celinta Kenya oo iyadana laga sugaayo December 18, 2018.

C ) Dhegeysiga Maxkamada waxaa la filaaya Sanadka 2019 inay noqoto.

Lawyarada ( Garyaqaanada) Soomaalida oo aan wax isbadal ah lagu sameeynin, waxayna hada ku mashquuulsan yihiin inay jawaabtooda u gudbiyaan maxkamadda caalamiga ah (ICJ).

Guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo dowladoodaba waxay ka siman yihiin in xuduuda dalka Soomaaliya iyo madaxbanaanidiisa aysan muran geli karin. Arimahaani ma aha kuwa mudan in la siyaasadeeyo, taas awgeed waa in aad looga fiirsadaa arintaan ama kuwa la mid ah in la siyaasadeeyo waayo waa sharafka qaranka Soomaaliya.

Mahadsanid Garyaqaan Muna Sharmaan iyo guud ahaan inta difaaceeysa dhulkeena iyo qeeyraadkiisa.

Sheekhnur Abukar Qaasim