Wargeyska Newsweek oo u jawaabay hadal uu yiri Madaxweynaha Mareykanka

Joornaalka magaca dheer Newsweek wuxuu magaal ka qoray oo jawaab celin ah, hadalkii Madaxwaynaha Mareeykanka ugu yeeray dowlado ayka mid tahay Soomaaliya iyo dadkeeda immigrants ah ee ku nool Mareeykanka “shithole countries” magaalkaas wuxuu cadeeyay in ay dadkaasi wax wayn oo la taaban karo ku biiriyeen dhanka cilmiga science-ka iyo caafimaadka dalka Mareeykanka.

Maqaalkaas oo magac looga daray “IMMIGRANTS FROM ‘SHITHOLE COUNTRIES’ HAVE CONTRIBUTED A LOT TO U.S. SCIENCE AND MEDICINE”

Dadka cilmiga iyo aqoontooda lagu amaanay waxaa ka mid ahaa Dr. Ali Said Faqi oo ah nin Soomaaliyeed, hadana ah safiirka dowladda Soomaaliyeed ee Yurub, maqaalkaas wuxuu yiri sidaan: “There’s also Ali Said Farqi, a toxicologist from Somali who immigrated to the US in 2000. His many achievements are evident in more than 100 scientific papers and reports he has published. He is a Diplomate of American Board of Toxicology (DABT), a Fellow of the Academy Toxicological Sciences (ATS) and currently the Associate Editor of Reproductive Toxicology Journal” Newsweek.

Tani waxay ka marqaati kaceeysaa in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareeykanka ayka dhex muuqdaan ajaanibka kale, waana sharaf ay umadda Soomaaliyeed oo dhan ayku faani karto. Waxaan kaloo hubaal ah in dhalinta yar yar ee hada ku barbaartay dalkaan ay gaari doonaan meel aysan ajanabi aysan horey u gaarin ebed.

Hambalyo Danjire Ali Faqi.

Sheekhnur Abukar Qasim