Maamulka Jubbaland oo digniin culus hor dhigay Hay’adaha ka howlgala Deegaanada Maamulkasi.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo kulan gaar ah magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulkaasi kula qaatay Hay’adaha samafalka ee ka hawlgala degaanada Jubbaland ayaa eedeyn u jeediyay xubnaha uu la kulmay.

Wuxuu sheegay Hay’adaha qaarkood inaysan si sax ah ugu adeegin shacabka qaar ee ku nool degaanada Jubbaland ee xaaladaha adag ku jira, wuxuu sheegay in maamulkaasi uusan caqabad ku aheyn Hay’adaha, balse ay ku dhaliilayaan qaabka ay u hawlgalaan.

“Ma dhahayno Hay’adaha hangu soo wareejiyaan shaqadooda, annaga ha noo dhiibaan mashruuca, intaas oo dhan ma dooneyno, keliya aragti ayaan ku leenahay iyo inaan saxno wixii khalad ah ee dhaca, waxaan ka daba tageynaaa mshaariicda been abuurka ah, waxaan rabnaa inaan ku yeelano door la xisaabtan.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay si nidaam ah kula shaqeeyaan, wuxuuna ka dalbaday inay dib u saxaan wixii khaladaad ah ee jira.