Wasiirka amniga, Taliyayaasha Ciidamada iyo Duqa Muqdisho oo kulan degdeg ah ka yeeshay Roobka ka da’aya Muqdisho

Wasiirka Amniga Somaliya, Taliyayaasha Ciidamada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan degdeg ah Galabta ka yeeshay Saameynta roobkii Xalay soo bilowday ee wali ka da’aya qeybo Kamid ah Magaalada Muqdisho.

Roobka ayaa saameeyay Nolosha dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, si gaar ah Dadka danyarta ah ee ku nool guryaha Bacaha iyo Cowshadaha ka sameysan, Waxaana jira dhimahso ka dhalatay Roobka xoogan ee ku dhuftay Muqdisho iyo Hareereheeda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo ugu horeyn Shirka ka hadlay ayaa sheegay in Caawa ay hoy la’aan yihiin Dadkii ku Noolaa 301 Guri oo uu Roobka burburiyay , qaarna Biyo dhigay, Waxa uu sheegay in dadkaas ay deegaan uga dhigeen Xarumaha Degmooyinka iyo Waaxyaha.

Lix qof ayuu Yariisoow sheegay iney ku geeriyoodeen roobka xoogan ee saqdii dhexe ee Xalay soo bilowday kaa soo Maanta Baajiyay Imtixaankii Dowladda oo ay galayeen inkabadan 27 Kun oo Arday.

Wasiirka amniga Gudaha Somaliya Maxamed ABuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay iney maalmahan fariisin ka dhiganayaan Xarunta Gobolka Banaadir, Waxa uu Dowladda Hoose ku amaanay sida ay ugu gurmaneyso Shacabka dagan Caasimada, Isagoona sheegay iney diyaar yihiin Ciidamada qalabkasida si ay howlaha samata bixinta Kaalin uga qaataan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaabac ayaa sheegay in Saadaasha ay hayaan usheegeyso in Roobka uu sii di’i doono Saacadaha soo socdo, Ciidamada Dowladda ayuu sheegay iney isla Caawaba bilaabayaan ugurmashada dadka uu saameeyay Roobka, kuwaasoo Nadiifin doona meelaha uu Roobka Biyaha dhigay.

Taliyayaasha Ciidamada Nabad SUgida, Booliska iyo Milatariga oo kulanka Joogay ayaan hadalka qaadan, Waxeyse sheegeen iney goobjoog ka ahaayeen kulan kan ka horeeyay oo ay la soo qaateen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka.