Maqaal: (Moowloow Muqdisho adigeey Magan kuu tahay!)

Roobkii Nicmada ahaa ee aadka uga da’ayay Magaalada Muqdisho wuxuu yeeshay saamayn aad uculus waxayna saamaynta ugu badan gaartay dadka danyarta iyo waddooyinka magaalada Muqdisho oo yaraaday isu socodka waxaana jira bur bur fara badan oo ku yimid laamiyada qaar.

Saakay markuu da’ayay roobkaa waxaa isoo gaartay in ay dad danyar ah ay ugeeriyoodeen qaar guryo ku dumay iyo caruur ay biyo qaadeen oo qaarkood lahelay.

Masaakiinta aan awoodda lahayn ee kunool cooshadaha ayaa ugu daran dadka uu sameeyay roobku waana arrin diin ahaan dad ahaan uu alle Nagula Xisaabtamayo hadaan qof waliba awooddiisa uusan lagaarin.

Waxaan baaq udirayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda dhexe in ay shacabka Muqdisho ku caawiyaan in ay uceliyaan abaal gudkii canahuurta ay bixiyeen ee aanan laga helin gobollada kale ee dalka.

Dhamaan shacabka soomaaliyeed waxaan lawadaagayaa in aan xasuusiyo in lagu gudo jiro bishii barakaysnayd ee Ramadan waajibna nagu tahay in aan ka faa’iidaysanno oo aan caawinno danyarta maanta marqaatiga aan kanahay sida ay udhibaataysan yihiin.

(Moowloow Muqdisho adigeey Magan kuu tahay!)
Magadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey