Taariikh nololeedkiisii mudane Xussein Kulmiye Afrax

Xussein Kulmiye Afrax waxuu ku dhashay Degmada Ceeldheer Gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1920kii, wuxuuna ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah. Intii uusan gaarin da’da 10 jir ayay labadiisii waalid dhinteen, hooyadiisna waxaa lagu magacaabi jiray Cawrala Calasow Max’ed.
Xussein Kulmiye yaraantiisii ayuu bilaabay in uu u halgamo nolol wuxuuna ku noolaa muddooyin kala duwan magaalooyinka Qabri-daharre, Dhagaxbuur, Jigjiga & magaalada Muqdisho.

Sanadkii1938kii ayey aheyd markii uu dhammeystay waxbarashadii ugu heer sarreysay ee loo oggolaa dadka Soomaalida waqtigaas. Bishii August sanadkii 1943 ayuu ku biiray ciidankii boliiska Soomaaliyeed ee berigaasi jiray, wuxuuna markiiba galay tababat ku saabsan afka Ingiriiska dugisgii tababarka ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1944kiiwuxuu ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee tababar dibedda ah loo qaado, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi, wuxuuna markii uu ku soo noqday Muqdisho uu noqay macallin tababar ka bixiya dugsiga boliiska u qaabilsanaa boliiska, halkaas oo uu ka shaqeynayay illaa sanadkii 1946dii, kuna gaaray derajada kormeere 1aad.

Sanadihii 1947dii–1948dii waxaa uu taliye ka ahaa saldhigga boliiska ee degmada Afrgooye, halkaas oo uu ku qaatay derajada kormeere 2aad. Sanadkii 1951diiwuxuu u dallacay derajada kormeere 3aad.

Sanadihii1952dii–1953dii waxaa uu tababar salkaalnimo ku qaatay dalka Talyaaniga Xussein Kulmiye Afrax waxaa uu intii uu hayay shaqada boliiska ku qornaa xisbigii gabannimadoonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii tababarrada qarsoodiga ahaa siin jiray xubnaha naadigaasi

S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka ahaa dadka lala tashado marka ay dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka ahaa howlaha la xiriira dhaqdhaqaaqii liddiga ku ahaa ee gumeysiga, waxayna isaga & xubnihii kaleba ka shaqeyn jireen hanuuninta xubnaha naadigii SYL.

Sanadkii 1954kii,ka dib markii uu soo dhammeystay tababarkii uu ku soo qaatay dalka Talyaaniga waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliyihii ciidanka boliiska ee magaalada Baledweyne halkaas oo uu taliye ka ahaa illaa Sanadkii 1956kii.

Sanadihii 1956dii–1960kii wuxuu jagooyin kala geddisan ka soo qabtay dhammaan xafiisyadii xarunta dhexe ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu ku gaaray darejada Gaashaanle.

Sanadkii 1960kiimarkii ay Soomaaliya qaadatay wuxuu u dallacay darejada G/Sare, wuxuu jagooyin muhiim ah ka soo qabtay xarunta dhexe ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed Sanadkii 1968kii wuxuu u dallacay Darejada S/Guuto wuxuuna noqday taliye ku xigeenkii ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

S/Guuto Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka mid ahaa saraakiil ka kala socotay qeybaha ciidamada Soomaaliyee ee afgembiga kula wareegay taladii dalka 21kii bishii Oktoobar sanadkii 1969kii, wuxuuna taliye ku xigeennimadii ciidanka boliiska Soomaaliyeed sii hayay

Sanadkii markuu ahaa 1970kii, ka dibna wuxuu u dallacay Darejada S/Gaas waxaana loo magacaabay in uu noqdo wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii ay hoggaaminayeen ciidamadu.

Muddadii uu hayay xilka wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu ku dadaalay sidii wasaaraddaasi looga badeli lahaa wejigii gumeysiga kaga tagay, siyaasad ahaanna loo soo nooleyn lahaa howshii wasaaraddaasi.

Kacaankii wuxuu mideeyay maamulkii dowladaha hoose & degmooyinkaba, waxaana dadweynuhu ugu qeyb galeen talada dalka isla markaana la meel mariyay fidinta maamulka dalka iyadoo uu S/Gaas Xussein Kulmiyelahaa habeynta & iskudabaridka howlahaasi.

Waxaa heer sare la gaarsiiyay garaadka siyaasiga ee ururrada bulshada iyadoo is raaceen maamulkii & dadweynihii aan hore isu heysan, waxaana meesha ka baxay kala irdhowgii, nabad la’aantii & jeesjeesnimadii.

Waxaa bilowday bilowday mudddii uu Xussein Kulmiye howlwadeenka ka ahaa wasaaraddii arrimaha gudaha, waxayna gobollada & degmooyinka Soomaaliya oo dhan atarsan u galeen barnaamijkii la oran jiray “Iskaa wax u qabso”, waxaa la qaaday tallabooyin ay ka mid ahaayeen dhismeyaasha;-

1.Dugsiyo. 2. Isbitaallo. 3. Goleyaal hanuunin.

4. Ceelal. 5. Xafiisyo. 6. Guryo.

7. Beero. 8. Beero. 9. Koronto.

10. Waddooyin. 11. Iskaashatooyin.

Taas oo dhalisay in ay kororto miisaaniyaddii degmooyinka iyadoo awood buuxda loo siiyay degmooyinkaasi in ay isticmaalaan dakhligooda sida ugu habboon ee waxtar ugu leh.

Arrimhaas oo dhan waxay u googol xaareen in dadku midoobaan, isla markaana hirgeliyaan ololeyaal fara badan oo ay ka mid ahaayeen abaarihii dalka ku soo fool lahaa.

Sanadkii 1971dii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax waxaa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya Sanadkii 1974tii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu noqday guddoomiyihii guddiga dhaqaalaha ee Golihii Sare ee Kacaanka.

S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka mid ahaa xubnihii Golaha Sare Kacaanka isla markaana hayay jagada madaxweyne ku xigeenkiii 1aad ee Soomaaliya illaa laga soo Gaaro Dhismihii xisbigii Hantiwaadagga Kacaanka Soomaaliyeed sanadkii 1976kii, waqtigaas oo uu jagadii uu hayay loo magacaabay S/Guud Max’ed Cali samatarisna waxaa lloo magcaabay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenkii 2aad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Sanadihii xigay wuxuu wasiir ka noqday wasaaradihii Qorsheynta Qaranka, Arrimaha Gudaha, wuxuuna Sanadkii 1989kii Loo doortay inuu noqdoGuddoomiyihii Golihii Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay ilaa laga soo gaaray 26kii bishii January sanadkii 1991diiwaqtigaas oo ku began markii la riday xukuumaddii militeriga aheyd Allaha u naxariistee S/Gaas Xussein Kulmiye Afraxwuxuu ku geeriyooday Dalka Mareykanka Sanadkii 1993dii waxaana lagu aasay magaalada Muqdisho

Ogsoonoow taariikhdu waa mudan waa tiro marqaati leh

W/D Mohamed Muse Mohamed