Dawladda Dhexe Inay Cunto Mooyee Waxba Uma Qaban Taqaano G/Banaadir

Waa nasiib darro in Muqdisho oo laga gurey 42.5 Milyan oo Doolar muddo Seddex bilood oo kaliya inay ka muuqato Waji xumada ay iminka la il daran tahay, Murugo & Uur ku taalo ayay kugu abuureysaa fool xumada soo wajahday Muraayadii Wadankeena.

Waddooyin Go’ay, Guryo bu-rburay, Gaadiid Biyaha dhex jiifa & dad ay waxyeelo ka soo gaartay roobkii Da’ayay ayaa ishaada soo buuxinayo haddii aad Magaalada u dhaa-dhacdo.

Caqligu ha shaqeeyo, suuragal ma aha in Muqdisho ay isu badasho Boholo & meelo biyo fariisin ah, Caano daatey dabadoodaa la qaban jirey, war fadhiga halaga Kaco oo Muqdisho sidaan ha loo dhaamo.