Dad badan Xattaa haddii ay xayawaan yihiin ha dhihin Xoolo Tuur leh ayaa tahay=Nasashada Jimcaha.Q-96aad.

1-Cabdi Hindi ayaa isaga oo amaanaya xaaskiisa ku yiri: waxaad tahay Daa’uus. iyada oo careysan ayey ku tiri: Bbe, maxaad Shimbiraha iigu mitaalee, maad Geenyo iyo Hashii Maandeeq igu amaantid. Waxa uu yiri: kii laguugu amaanaba waa lama huraan in xayawaan laguugu matalo, adaaba Xayawaana kala xulanayo, midkood umbaadna tahay.

Xanaaq naagtii…ilaa Ugas ciise Maxamud loo yeero si uu Arrinta u xaliyo, Cabdi Hindi ayaa yiri: Taladaada waan qatay Laakin, Ugaasoow maanta waa Ramalaan waana soomanahay , Caloosheeyda waa la Format gareeyay maanta , marka waxaan sugi la ahay inta Af-furka laga soo Down load-gareynayo, Ciddaan amaanayo iyo wixii aan ku amaanayo waan ka fiirsan doonaa.( Fiiri Sawirka : 1&2aad)

(( Dad badan Xattaa haddii ay xayawaan yihiin ha dhihin Xoolo Tuur leh ayaa tahay, Haba ugu horeyaan madaxda Amaanta jecel oo Asaxaabtooda FG-ga iyo Qaraabadoodu sey Bbe u lahayeen ay dhumiyeen )).

2- Laba Naagood oo kala maseyr badan, ayaa midi tii kale weydiisay: Sidee lagu ogaan kartaa in nin kaagu uu Naag ka yimid iyo in kale, waxa ay ku tiri: Dharkiisa tin ka baar, Haddad ku aragto Naag ayuu ka yimid. Habeenkii markuu yimid ayey tin ka baartay dharkiisa weyna ka weysay, markaa ayey tiri: Waryaa kor kaaga tima naageed kama muuqdaan ee waa maxay naagta yuulka ah oo bidaarta leh oo aad saacadan ka timid. Xaawaley Maseyrtay intee looga baxsanaa?.( FS: 3aad).

( Sarkaal Saldhig Boolis jooga oo Liiskii Dalacaada laga reebaa ka daran, si aad ku qanci karto ma jirto,hadduu dambi kugu waayo, ilaa aad iska tiraa Dambiile ayaan ahay, xattaa hadaadan aheyn).

3-Nin Cabtooy ah ayaa isaga oo murugeysan saaxiibkii ku yiri: Saaxiiboow dhib ayaa i heysta , Xaaskeeygu mar kasta waxa ay ka sheekeysaa ninkii ay hore u kala tagaeen ee aniga iga hor qabi jiray. Saaxiibkii ayaa qoslay oo yiri: Taasi wax weyn ma ahan , aniga xaaskeygu habeen iyo maalin waxa ay ka sheekeysaa, ninka ay guursan doonto aniga kadib, ee saaxib dulqaad baa la isku dhaafay.

( Dowlad ayaa weli ka maseyrsan dowladii ka horeeysay, oo Shaqaalihii iyo Taageerayaashii dowladii ka horeeysay aan maqli Karin. Ka waran hadii dowlada ka dambeysa looga sheekeyn lahaa).

4- Cabdi Caajis oo diaspora ka yimid ayaa tagay Tuulo, si uu uga qayb galo Arooska wiil ay ilama adeer yihiin. Cabdi caajis ayaa ka helay Aroosada cusub ee Ina adeerkii uu soo aroosay. Waxa uu seexday qol ku dhegan qolkii arooska. Cabdi caajis ayaa ooda ka qaaday weylo ku xirnaa moorada guriga hortiisa aheeyd. Wiilkii arooska ahaa ee ilma adeerka ay ahaayen ayaa ku soo toosay. Intii uu ku maqnaa xareynta weylihii ayuu Cabdi Caajis u galay Aroosadii , iyaduna kama shakin mana fileyn in nin kale u soo gali karo, Cabdina inta Xera taraaray oo Nuursaday ayuu deg deg qolkiisii ugu soo noqday.

Wax yar kadib ayaa damac galay mar kale, weylihii ayuu soo ood qaaday mar kale. Laakin markaan Arooskii ayaa ku yiri: xaaskiisii Hurdaa i heysa ee bax oo weylaha moorada ku celi. Cabdi oo aan hubsan cida weylaha loo diray markaan , ayaa ku soo orday qolkii arooska ,dharkiina tuurtay , Xaraaradiina kala kordhacay ,wiilkii arooska ahaa ee ina adeerkii ahaa.wiilkii ayaa yiri: waryaa cabdi caajis maxaa kugu dhacay, dibadda miyaad ku soo waalatay? Cabdi Caajis ayaa yiri: Sorry, Baraadarkeyga , bbe- dii ayaan kuu maleynayay.

( Diaspora Xil loo dhiibay intuu khaladkiisa Maamul qiran lahaa, wuxuu la soo boodayaa ,Sorry , Baraadarkeyga Adminka UK –Tax system ayaan u maleynayay, iyada lafteeda xataa ma yaqaan).

5-koo reer gaalkacyo ah oo markuu Xamarweyne joogo dhihi jiray, Xalaal & Xaaraan kalama jecli , ayaa isaga iyo saaxiibkii Muriidi waxaa u soo baxay sponsor. Dayaarad ayey wada raaceen,reer Gaalkacyihii waxa uu maqli jiray, hilib Doofaar ayaa dayaaradaha qaar lagu dhax cunaa. Markii raashinkii loo keenay ayuu Muriidi weydiiyay: ina adeeroow cuntadani ma xalaal baa?. Muriidi ayaa ku yiri: Maxaad ii weydiinee ,Adinku reer gaalkacyo soow adinkii lahaa Xalaal & Xaaran kalama jeclin, Ununku waa yaabnee Reer Gaalkacyoow “Xalaasha cirka lee maad ku cuntiin” .

6- Laba oday oo 70 jira ah ayaa waxa ay kala degenaayeen Laba qol oo isku dhegen, hal musqul oo daashka ku taal ayeyna wadaagaan..Axmadey ayaa isaga iyo xaaskiisu habeenkii oo dhan ay qoslayaan.

Nuur Cutti ayaa xaaskiisii iyada oo maseyrsan ku tiri: bal maqal waxa habeenkii qosol ka dhacayo ciddan deriskeena ah, bax iga tag facaa waad ka liidataahe, Dabkiyaa kaa dhacaye.

Nuur Cutti ayaa yiri: waxaan kaa codsanaa hal ixsaan marka hore in aad ii sameyso, Muddo 7 Cisho ah, Subax kasta inta aadan Salaada Subax Tukan , Musqusha gal ee sidii qof Qasli galay u qubeyso. Weeyna yeeshay. Maalma yar ka dib cidii deriska aheed ee reer Axmadey ayaa qosolkii laga waayay. Xaaskii Axmadeey ayaa tiri: iga bax Facaa waadka liidataa, fiiri xaaska Nuur Cutti, Subax kasta qasli ayeey ka qubeeysataa, anna 6 bil ka hor ayaa iigu dambeysay Qubeys qasli aan ka qubeysto.

Axmadey waxa uu u tagay Nuur Cutti waxa uuna ku yiri: war nin yahoow xaaskii ayaad igu dirtay xal raadi, Nuur ayaa yiri: Adigaa dulmiga bilaabay, oo habeenkii oo dhan aad qosol ku jirtaan. Axmadey ayaa yiri: kkkkkkk, war waxa aan ku Qosolno Habeenkii aniga iyo Xaaskeygu ma taqaan? . Nuur ayaa yiri: ma ogi laakin naagteeydu waxa ay u dareentay in aad xaaskaaga iyo adigu raaxeysatiin habeen kasta.

Axmadeey ayaa yiri: aan kuu sheegee, meesha Raganimo ma taal, Alaabteeydu mar hore ayeey Bambiiro ,laastik ah noqotay waxaana ugu yeernaa meydkii. markii aan Sariirta wada jiifno ayaan gadacad u jiiftaa markaa ayaan Bambiirada tacbaanka ah kor u jiidaa, waxaan sharad ku dhiganaa Bidix ayuu u dhacayaa, iyo Midig ayuu u dhacayaa, hadba dhinaca uu u dhaco ayaan ku qosolnaa,maydka ayaan ku falaadnaa, ee meesha wax kale kuma heyno.

Waxaa lagu heshiiyay in Reer Bambiiro ay qosolka dhaafaan, reer qaslina beenta ay ka qubeystana dhaafaan.( FS : 4 &5aad).

( Ar Dowlad Bambiira beena marba dhinac u ridee iyo Maamul gobaleedyo Qasli beena ka qubeysanaa armaa Qaran nimadeenu ku duntaa, oon meesha waxba lagu heyn).

Qore: Yahya Amir