Maanta oo Sabti ah oo ku Beegan 19-ka May Ayaa lagu wadaa in dalka Soomaaliya uu ka biloowdo imtixaanka Shahaadiga ah ee dowlada Soomaaliya ay qaadeeyso.
Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in imtixaankaan uu maanta ka Bilaaban doono Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya.
Goobo badan oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa maanta loo calaamadeeyay kuwaasi oo imtixaanka uu ka bilaaban doono amaanka ayaana si aad ah loo adkeeyay.
Masuuliyiinta wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in markii ugu horeeysay ee imtixaanka dowlada lagu daabaco dalka ay tahay sanadkaan.
Dhinaca kale ardayda gobolka Hiiraan ayay sheegtay Dowladda Federaalka inaysan sanadkaan ka qeyb galeynin imtixaanka, iyadoo loo sababeeyay fatahaadaha ka dhacay magaalada Baladweyne.