Daawo: Danjire Caalim“ Carabta Is Heysata Maxaa Dhexgeliyay Soomaaliya”

Dibloomaasi Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo ka foolooda arimaha siyaasadda Soomaaliya horayna us soo noqday Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya oo si toos ah kaga qeyb galayay barnaamij Online Ah ayaa waxa uu banaanka keenay xogo dhab ah oo ku saabsan khilaafka Khalej-ka iyo waxa soo dhexgeliyay Soomaaliya , Siyaasadaha Arimaha Maamul Goboleedyada Dalka , iyo Arimaha Dastuurka Soomaaliya,

Danjire Caalim ayaa marka hore sheegay in aaney carabta ka carareerin Soomaaliya, waxaana uu Tilmaamay  in doorashadii ka dhacday 2012-kii Soomaaliya in ay ku dagaalameen dalalka Imaaradka Iyo Qatar kuwaa oo kala watay labo musharax oo danahooda u fuliya, waxaana uu sidoo kale carabka ku dhuftay in doorashadii 2017-dii ka dhacday dalka in saameyn toos ah ay ku yeesheen, waxaana Qatar ay dhaqaalo ku bixisay inuu soo baxo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagoo xusay in lixdii sano ee ugu dambeesay dalalka Qatar Iyo Imaaradka in ay ku hartamayeen Soomaaliya.

Dowladda ayuu sheegay in aysan dhexdhexaad ka aheyn khilaafka Khalej-ka isagoo xusay In Madaxweyne Farmaajo loo daayo Qatar si loo arko halka siyaasadda ku dambeyn doonto, waxaana mucaaradka uu ugu baaqay in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan xeriirka Soomaaliya Iyo Qatar.

Danjire caalim ayaa sheegay in hadda la isku heysto doorashada 2020-ka isagoo ka digay in dalka uu Madaxweyne ka noqdo musharax ay wataan mid kamid ah dalalka Khaleej-ka.

Intii uu socday Barnaamijka uu ka qeyb qaatay Professor Maxamed Nuur Caalim ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in Dowladda Soomaaliya ay fadhiid tahay isagoo gaashaanka ku dhuftay in aysan ka soobixin kaalintii looga baahna.

Madaxweynaha iyo Xukuumadda ayuu tilmaamay ugu dambeyntii in ay ku guuldareesteen xalinta khilaafka kala dhaxeeyo maamul goboleedyada dalka.

W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim Loyal

Facebook Comments