Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo

Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle,iyadoo halkaasi uu dhawaan shir ugu furmi doono madaxda maamul Goboleedyada.

Diyaarado siday Madaxda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi kala kulmay soo dhaweyn sare.

Mas`uuliyiinta Maamulka K/Galbeed ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Baydhabo madaxdaasi maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Dhanka kale waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa in dhawaan magaaladaasi ay soo gaaraan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland.