Falanqeynta: Sidee loo xalinkaraa khilaafka soo noq noqda ee Qadiyada Khaliijka.

Madaxweyne Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatay Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Waa wada og nahay in khilaaf siyaasadeed dhex yaal dawlada Faderaalka madaxda ugu saraysa iyo madaxda xukunta maamulka puntland arinka la isku hayo ayaa ah. Dawlada Qatar ayaa wanaagsen iyo Dawlada Imaaraadka ayaa wanaagsen. Arinka oo salka ku haya khilaafka khaliijka.

Madaxeyne Gsas oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe,

waxayna kawada hadleen. Khilaafka u dhaxeeya maamulka puntland iyo dawlada dhexe ee Faderaalka

Danjire Michael Keating oo hadalay ayaa sheegey in looga bahanyahay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo khilaafka jira.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay dhex dhexaad ka yihiin khilaafka dhex yaala soomaalida. Dhexdeeda.

Fasiraasada siyaasadeed ee booqoshada Danjire Keating ayaa ah in uu jiro khilaaf weyn oo keeni kara. Kara in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu fadhi ka yeesh arimaha soomaaliya

Madaxweyne Gaas ayaa codsi u diray in Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya,

si loo ogaado dadka wada khaqalaasaha siyaasadeed. Hadalka gaas ayaa u eg mid ay iskaga mid yihiin dhinaca fikirka Danjire keathing.

Khilaafka u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar ayaa saameeyay dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo go’aanka dhex dhexaadnimada leh ee ay qaadatay dawlada faderaalka ayaa ah mid mudi siyaasaded ku jiro. Warbaajinta dawlada Qatar ayaa noqotay mid iska horkeenta shacabka soomaaliyeed.

Waxaa soo baxaya war sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku Tagayo wadanka Qatar hadey arinka sax noqdo .

waxaa suur tagal ah in khilaafka khiliijku sii xoogeysto ee u dhaxeeya Madaxda Dawlada Faderaalka iyo kuwa maamula maamul Gobaleed yada

Taas oo mac naheedu yahay in marba koox aado imaaraadka ama Qatar arinka wax dan ah uguma jiroto shacabka soomaaliyeed ee dawlad wanaagsen doonayey.

Qore Danjire maxamed caalim