Falanqeynta Maanta: Madaxweyne Farmaajo isagaa masuul ka ah wixii naga khaldama.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso

Madaxda maamul Gobaleed xukunta
Iyaguna waxay u dhoofeen shir ay maal Galisay dawlada imaaraadka. oo ka dhacaya magaalada Baydhabo. Arinka way wada arkayaa shacabka soomaaliyeed

Murankii ka dhashay moowqifka dowladda federaalka ay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya, mudo sanad laga joogo
oo wax xal ah aan laga gaarin

Iyadoo aanan weli la midayn aragtida kala duwan ee ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka qabaan siyaasadda dhexdhexaadka ah ee ay dowladda dhexe ka qaadatay khilaafka Khaliijka Carabta
Maxaa diidan in talada laguwada midoobo

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u tilaabay khilaaf rasmi ah oo bur burinaya in wax hiigsi nabadeed aney wadanka ka dhici karin wax wada shaqeyn ah.

Inkasta oo laga yaabo in markii horeba xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid awood qaybsiga iyo la isku hayey. haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhimayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto. Gaar ahaan arimaha dib u saxa dastuurka iyo qabsoomida doorashooyinka 2020. Isku dhafka ciidanka habaynta dhaqaalaha wadanka .

Dad badan ayaa khalad laga fahamsiiyey in la isku haysto Qodoba dastuuri ah kuwaas oo kala ah qodobada 54-aad iyo 53-aad ee dastuurka Soomaaliya in ay iska hor imaanayaan. Arinku sidaamaaha.

Madaxtooyada soomaaliya ayaa si khaldan u fasirtay dhex dhexaadnimo maxay tahay?.

Waxayna saxiib dhawla tahay dawlada Qatar waxaa wanaag san inay madaxweyne Farmaajo cadeeyo saxiibtinimada uu la lee yahay dawlada Qatar.

Shirka ay isugu imanayaan madaxda maamul gobaleed ayaa lagu qeexayaa dhex dhexaadnimo maxay tahay. iyo xiriirka dhaxeeya madaxda dwlada faderaalka ugu saraysa iyo dawlada Qatar.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe madaxweyne xaaf iyo madaxweyne Aware ayaa goor dhawayd soo wada gaaray
magaalada Baydhabo, waxa la suga yaa waa madaxweyne Gaas halkaas oo shir uga furmayo.

Madaxda maamul gobaleed yadu waxaa gadaal ka riixaya dawlafa imaaraadka oo waqti dheer kaalmo dhaqaale siinausay.
Xiriir koodu wax cusub maaha.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Waxaan aaminsanahay in Dowladda Federaalka ay go’aan ka qaadatay khilaafka ka dhex jira Qadar iyo Dowladaha Imaaraadka iyo sacuudiga.

Waa go’aan ka tarjumayaa rabitaanka Raga fadhiya xarunta madaxtooyada villa somaliya waana arinka keenay khilaafka socda mudada sanadka ku dhow. ee xalka loo la yahay.

War xagee loo socdaa oo loo dhoofayaa.

Danjire Maxamed Caalim