Wabiga Shabelle oo fatahaad hor leh ka sameeyay Baladweyne

Wararka laga helayo G/ Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabelle uu Fatahaado hor leh ka sameeyay M/ Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Wabiga ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu ku Fatahay Xaafado hor leh oo ku yaalla magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dareyso marba marka ka dambeysa, islamarkaana ay u baahan yihiin Gurmad deg deg ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa xaalado dhinaca nolosha ah ay ka taagneyd magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda, kadib markii uu ku Fatahay Wabiga Shabelle.