Faah Faahin ka soo baxaysa Qaraxyo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay maanta deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney maqleen laba qarax oo aan la kala garan Karin cida lala eegtay iyo khasaaraha ka dhashay intaba, balse ay maqlayeen qaraxa kadib rasaas xoogan oo dhaceysay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida lagu weeraray qaraxa, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Ceelasha ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxyadaasi inay iyagu ka dambeeyeen.

“Laba qarax ayaa ciidamada Al-shabaab u qaabilsan dhanka miinooyinka waxey la beegsadeen askar ka tirsan ciidamada loo yaqaan Xasilinta, halkaasi waxaa lagu dilay 9 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ee la kulmay weerarka, sido kale qaraxyada ayaa waxaa dhaawacyo ay ka soo gaareen 7 askari oo ka tirsanaa isla ciidanka la kulmay weerarka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jirto cid ka madax banaan Al-Shabaab oo xaqiijisay in tiro intaa la eg laga dilay ciidamada dowladda, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxa, balse aysan cayimin khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay Ceelasha.