Ogeysiis Ogeysiis: BANDHIGA BUUGA « ILA OOY» QORAADII IFRAH YUSUF CIYOW

BANDHIGA BUUGA « ILA OOY» 

Waxaan kugu maamuusaynaa, oo aan kugu martiqaadeeynaa mudane/marwo ka soo qayb galka bandhiga buugga “Ila Ooy» oo ah buug haga jaceylka oo Sheeko murugo badan oo jaceyl ah ku qorantahay. Buugaan waxaa qortay Hooyo Soomaaliyeed oo dagen Wadanka Norwey laguna Magacaabo IFRAH YUSUF CIYOW.

Waxa uu buugu si gaar ah u daboolayaa baahiyaha ka haysta dhallinyarada lamaanaha ah qurbaha, sameeynta nolol qorshe leh iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwa u diyaarsan nolosha guur iyo lamaane.

Buugu wuxuu ka caawinayaa dhamaan qoysaska Somaaliyeed sidii ay wax ugu baran lahaayeen si cilmiyaysan oo nidaamsan una noolaan lahaayeen nolol jaceyl, farxad iyo qoys wanagsan lagu yagleelo.

Waa buug ku boorinaayaa dhallinyarada in ay noqdaan kuwa Nolashooda Jecel Ku Saleeyo.

GOOBTA: (Sandeklevshallen)
XILLIGA:Galab
GOORTA: 5:00
TAARIIKHDA: 12/05/2018

KASOO QAYB GALKIINU WAA NOO MUHIIM WALAALAYAAL