Faallo: Madaxweyne Farmajo jilaafooyinkii loo dhigay iyo sii….

Markii uu yimid Madaxweyne Farmajo oo aaminsanaa Nationalism ayaa wadamada faragalinta ku hayay Somalia isku dayeen in ay bajiyaan hamigii madaxweyne Farmajo ayagoo adeegsanaya Somali iyo lacag.

Falkii ugu horeeyay ee lagu bajiyay wexey noqotay in qof Somali ah loo dhiibo wadan shisheeye Ethiopia oo Qalbi dhagax loo dhiibay ayagoo adeeg sanaya Madax ka tirsan dowlada oo uu ugu horeeyo Taliyahii hore ee NISSA waxaa leenka soo xiray mid kamid ah Raisul Wasarihiiyaashi hore iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo markii dambe ugu tagay Hotel ku yaala Adis ababa.

Falkii xigay wuxuu ahaa in Wadamada Khaliijka soo kala dhax galay khilaaf oo ay is raaceen xulufo ay hogaaminayaan Saudi Arabia iyo imaaradka oo ay godoomiyeen Dowlada Qatar.

Saudi Arabia ayaa wafdi u soo diray in Somalia xiriirka u jarto Dowlada Qatar Madaxweyne Farmajo markaas wuxuu ku sugnaa Kismayo howlihiisi ayuu u soo baajiyay si dhakhsa ah ayuu ku soo baxay wafdigii ayuu kula kulmay Garoonka adan ade wexey u sheegeen in ay Somalia soo raacdo Xulufada Saudi Arabia iyo Imaaradka oo ay xiriirka u jaraan Qatar.

Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dhiiraday in uu dhaho dhaxdhaxaad baan ka nahay arimaha Khaliijka ninkii wafdigi hogaminaye ayaa meesha ka tagay asigoo aad u careysan.

Horay uguma aysan baran in ay Somalia wixii loo soo jediyo maya dhahdo ayagoo horay ugu tijaabiyay tii Iiraan oo ay Talefoon kula soo hadleen Madaxweynihii hore Hassan Sheikh una sheegen in Iiraan xiriirka loo jaro saacada gudohod ayeeyna fushay.

Waxaa xigtay in 3 Madaxweyne maamul goboleed ugu yeeraan Dubai si ay u bajiyaan markale aminsananta Nationalism ka Madaxweyne Farmajo buuq badan iyo kacdoonki Shacabka waxa lagu dhameeyay wadahadal.

Waxaa xigtay in Gudoomiyihii hore ee Barlamanka ay ka soo wareegteen oo la isku dayay in wadanka ay galiyaan Mooshin iyo Carqaladeyn.

Waad ogeedeen in lagu qabtay garoonka Adan Cade lacag ku dhaw 10 Million$ doolar oo la rabay in loo qeybiyo qof kasta oo qalalaase ku furi karo dowlada.

Wexey isku dayeen in ay khaarijiyaan Senator Abdi Qaybdiid oo ay gurigiisa weerareen ayago rabay in beelaha dagan gobolka kacaan.

Madaxweyne Farmajo daacadnimadiisa ayaa wado alaha la garab galo shaqada uu wadanka u hayo.

Muhammed Hassan Warsame