Galmudug Oo Sheegtay In La Bilaabayo Dhismaha Dekedda Hobyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hobyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilowday dadaal lagu dhisayo dekedda Hobyo.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in saakay magaalada Hobyo ay ku sugan yihiin Injineero isugu jira Soomaali iyo ajaanib ay bilaabeen qiimeyn lagu sameynayo dekedda iyo qaabka ugu wanaagsan ee lagu dhameynayo howlahaasi.

Wasiirka Dekedaha maamulka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac  ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo dhismaha Dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.

C/qaadir Cali Jaamac Wasiirka Dekedaha Galmudug ayaa tilmaamay in maanta Injineerada dhisaya ay u kuur gali doonaan arrimaha dhismaha Dekeddaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay, sidii loo dadajin lahaa qorshaha dhismaha Dekedda Hobyo oo muhiim u ah Galmudug.