Daawo: Falanqeyn Xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka Cusub ee DF, M/gobaleedyada & Dalalka khaliijka…

Haddaba waxan halkan idinku soo gudbineynaa Barnaamijka Bandhiga Kalsan TV oo si weyn loogu falanqeeyey qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhaxeeya dawlada faderaalka Madaxda ugu sareysa iyo Maamul Gobaleedyada siyaasada ku wajahan xiriirka wadamada khaliijka.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed (Madoobe) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada.

“Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Danjire Maxamed Caalim oo ah Siyaasiga ka faalooda Arrimaha Soomaaliya ayaa sharaxaad wanaagsan ka bixiyey waxa la isku haysto isagoo soo bandhigay qodobo aysan inta badan ka war heyn umadda Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA: