RW: Kheyre oo la kulmay ciidan loo qorsheeyye in ay 90 cisho sugayaan amniga Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Ciidamo Dowladda ay u diyaarisay sugidda amniga Caasimadda ayaa sheegay in laga doonayo in ay mas’uuliyad iska saaraan howsha loo xil saaray.

Waxa uu ka dalbaday in ay la shaqeynaan shacabka, sidaa awgeedna aanan aheyn in ay ku xad gudbaan halkii ay wax u qaban lahaayeen.

Hadii ay dhibaato shacabka u geystaanna waxa uu sheegay in aanan laga sugeyn sugidda amniga, ayna ku guul dareysan doonaan howlgalkaan oo ah mid tijaabo ah.

Waxa uu soo hadal qaaday in aanan meesha laga saarin isla xisaabtanka, wax walibana ay u baahdaan ay kala hadlaan taliskooda.

Dalka waxa uu sheegay in dhibaato badan uu soo maray, sidaa awgeed ay kasoo baxaan kaalinta laga sugayo oo ah in ay kasoo dhalaalaan waajibaadka ka saaran Amniga.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Ciidan u diyaarisay sugidda amniga Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxa ayna isugu jiraan Ciidamo Booliis, Militari, Nabad sugid iyo kuwa Asluubta oo aanan horay looga baran ka qeyb qaadashada howlgalada ceynkaan oo kale