Kenya oo xirtay Nin iyo Xaaskiisa ku eedeysan in ay maalgeliyaan Al-shabaab

Booliska Dalka Kenya ayaa Xabsiga dhigay Yaasiin Cabdulle Xuseen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo  Fartuun Maxamed Guuleed,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Lacago u diraan Al-shabaab kana midyihiin dadka maalgeliya.

Waxaa laga qabtay Xaafadda Soomaalida ee Islii kuna taalla Nairobi,Lamaanahan waxaa lagu tuhmayaa in ay xiriir dhow la leeyihiin C/Wali Maxamed Guuleed oo ku dhuumaaleysanaya Mandheera kaas oo ay sirdoonka Kenya sheegeen in uu ka dambeeyay weerar Gaari Dadweyne lagu qaaday Bishii November laguna dilay dhamaan dadka aan Muslimka ahayn ee gaarigaas la socday.

Qoyskan Soomaalida ah ayaa lagu eedeeyay in ay ka soo jeedaan Gobolka Gedo ee Soomaaliya sidoo kalena dukumiintiyo been abuur ah ku joogeen Dalka Kenya.

Boolisku waxaa ay sheegeen in Ninkan iyo Xaaskiisa ay Ganacsiyo kala duwan ku leeyihiin Nairobi islamarkaana  maalgaliyaan Al-shabaab oo weerarro ka geysata gudaha Dalka Kenya.

Yaasiin,waa Qandaraasle inta badan Ganacsigiisa uu ka shaqeeyo Qeybta Koofureed ee Xaafadda Islii,waxaana boolisku ay sheegeen in muddo dheer lagu daba jiray Ninkan iyo xaaskiisa.

C/Wali waxaa uu AL-shabaab ku biiray 2007dii,waxaa ay Boolisku sheegeen in uu xilka hayo Al-shabaab kaas oo ah guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo,inta ugu badanna uu weerarrada ka fuliyo Waqooyi Bari Kenya.

Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka yahay weerarrada lagu hayo Barayaasha aan degaanka Waqooyi Bari u dhalan,kuwaas oo intooda badan isaga baxay Gobolka.