Madaxda Dalalka deriska la ah Somaliya oo maanta ku shiraya Nairobi

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uuy isugu yeeray dalalka deriska la ah Soomaaliya amaba loo yaqaan Safka hore,waxaana ay ka wada hadlayaan xaaladda Gobolka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa casuumay madaxda waddamada Itoobiya iyo Jabuuti,waxaana ay shir labo maalmood soconaya ku yeelanayaan Nairobi.

Shirkan waxa auu furmi doonaa maanta oo Axad ah,waxaana uu soconayaa ilaa berri oo Isniin ah,iyada oo waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loogu saarayo ay ka mid tahay xaaladda amniga Gobolka sida dagaalka Al-shabaab,khilaafka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa horay walaac uga muujiyay faragelinta arrimaha gudaha ee ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Kenya oo dhowr jeer arrintan ka hadlay sheegay in dalalka qaar ay dhabar jebin ku hayaan guulaha ay AMISOM ka gaartay Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay ka qeybgelayaan shirkan ka dhacaya Nairobi.

Waxyaabaha kale ee diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah Ganacsiga,iskaashiga xiriirka Caalamiga ah iyo dagaalka wadajirka ah ee ay uga horjeedaan Al-shabab.