RW ku xigeenka Dowladda F.Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baardhere

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo sida ay sheegayaan Mas’uuliyiinta maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxda uu la Socota RW ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ujeedka ay halkaasi u tageen ay tahay sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay uu saameeyay Fatahaadda Wabiga Jubba.

Dhanka kale waxaa lagu waddaa in Wafdigaasi ay booqdaan Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee isla Gobolkaasi ka mid ah.