Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo lacag ugu deeqay dadka uu saameyay fatahaada Wabiga Shabeelle

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga gurmadka fatahaada Wabiga Shabeelle ee Aqalka Sare oo ka kooban 9 xubnood.


Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhag Dheer) Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka ay xubnaha Aqalka Sare u xil saareen inay dhaqaaale aruurin u sameeyaan dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle ee ku nool Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xubnaha Aqalka Sare warbixin ka siiyay howlaha gurmadka iyo halka ay u marayaan.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Abshir Buqaari) oo kulanka shir gudoominayay ayaa gudiga ka dalbaday in ay dadajiyaan howlahooda gurmadka ee Beledweyne sido kale waxa uu ka dalbaday in ay sii bilaabaan howlaha gurmadka dadka ay saameyeen fatahaada Wabiga Jubda ee ku nool degaanada Jubbooyinka.

Dhanka kale Gudigaan ayaa waxaa magacaabay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya, waxayna sheegeen in lacagta ay ku wareejin doonaan Guddiga gurmadka ee fatahadaha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre Khayre.