Kenya oo ka walaacsan Khilaafka soo kala dhaxegalay Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Saxaafadda Kenya ayaa baahisay in dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ugu afka dheer Kenya ee The Nation ayaa sheegtay in Kenya ay si weyn uga walaacsan tahay Khilaafka soo kala dhaxgalay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay Wargayska in Kenya ay aaminsan tahay in khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Carbeed uu saameyn weyn ku yeelan doono howlgalka nabaddeynta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in Soomaaliya la ilaaliyo Madax banaanideeda, islamarkaana laga joojiyo faragelinta lagu hayo.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in faragelinta Shisheeye ay sameyn ku yeelan doonto howlgallada Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag lagu qiyaasay in ka badan 9 Malyan oo Doollar oo lagu keenay diyaarad ay Iimaaraadku lahaayeen, iyadoo Dawladda Soomaaliya ayaa lacagtaas la wareegtay.

Dhanka kale dowladda Imaaraadka ayaa dhawaan sheetay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga Soomaaliya ay siin jireen ee ay soo wadeen tan iyo 2014-kii.