Ciidamada Dowladda oo dhawaan la wareegi doona Fariisimo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.

Maxamed Abuukar Ducaale Islow Wasiirka wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee looga hadlayey Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Belgium-ka, ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan goobo muhiim ah oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in qorshahaas si KMG ah ay dowlaadda Soomaaliya ugu soo bandhigtay Beesha Caalmka, Wasiirka ayaa waxaa sheegay in Garoonka Stadium Muqdisho oo ay hadda ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM ay dhawaan la wareegi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, islamrkaana lagu wareejin doono Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, si loo soo celiyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed.

”Waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka, waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri Wasiir Islow .

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu farxo.