Xildhibaanada Galmudug oo Ansixiyay qodobo dhowr ah

Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb Xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay ku ansixiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka doodaayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Ansixiyay Astaanta iyo Dastuurka cusub ee maamulka Galmudug iyo sidoo kale isku darkii Xildhibaanada Galmudug iyo Kuwa Ahlusunna.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa ku xigeenkiisa  labaad.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Caair ayaa isagu dhaliilsan isla markaana dood ka keenay heshiiskii dalka Jabuuti ka dhacay ee lagu mideeyay maamulkooda iyo kan Ahlu Sunna, isagoona sheegay in la hareer maray qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.