Milliteriga Maraykanka oo kordhinaya qalabaynta Saldhigga Diyaaradaha ee ku yaalla Balli-Doogle

Milliteriga Maraykanka ayaa kordhinaya Joogitaanka Garoonkaasi oo ku yaalla Gobalka Sh/hoose, iyadoo laga dhisayo  in ka badan 800 oo sariir oo loogu talagalay Askarta ka hawl-gasha Saldhigaasi oo ay Ciiddankii Dowladdii Midowgii Soofiyeeti horey u adeegsan jireen.

Mid ka mid ah Qandaraaslayaasha Dhismahaasi, ayaa sheegay inay Waaxda Difaaca Maraykanka maalgelinayso Dhismahaasi, iyagoo ugu yaraan 208 ka mid ah Sariirahaasi loogu talagalay Ciiddanka Maraykanka ee Barnaamijka Loojistikada Rayidka, halka 600 oo kalena loo dhisayo Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Barnaamijak Nabad-ilaalinta

Wargeyska VICE NEWS ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in Dhismaha Saldhigaasi oo la bilaabay bishii June ee sannadkii hore muujinayso Caddayntii ugu dambeysay ee Koritaanka Hawlgalladda Maraykanka ee Dagaalladda ka socda gudaha Qaaradda Afrika.

Ballaarinta Saldhigga Balli Doogle ayaa qeyb ka ah wax u muuqda in la sii ballaarinayo Mashruuca Milliteriga Maraykanka ee gudaha Somalia.

Dhowr Qandaraaslayaal dhisayo Saldhigga Balli-doogle ayaa u sheegay Wargeyska VICE NEWS in ugu yaraan 6 dhismo oo wax laga ilaaleeyo laga dhisay Saldhigaasi sannadkan oo keliya.

Mid ka mid ah Askarta Soomaalida ku sugan Garoonka Balli-doogle ayaa u sheegay Wargeyskaasi in cabirka Saldhigga aad loo kordhiyey, isla markaana ay Maraykan badan joogaan Saldhigaasi,  isla markaana ay Diyaaradaha maalin kasta ka soo deggaan Saldhiggaas.