Madaxweyne Gaas”Puntland iyadaa na hurran iyada ayaana nagu filan”

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda,islamarkaana ka digtonaadan cid kasta oo wiiqaysa jiritaanka dowladnimada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada,kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe,ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxantahay.

“Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran,iyada ayaana nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado”,ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato”Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo”,ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.