Faallo: Miyaad Garanaysaa waxa aan wadaleenahay?

Sida aan lawada socono dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka bilawday dabayaaqadii sideetamaadkii waxay sababeen in dhac iyo bililiqo xoog leh loo geystay hantidii muuqatay ee umadu wada lahayd.

Waxaan dib u milicsaday magaalakasta hantidii shacabku wada sida Dugsiyada. Wadooyinka, cisbitaalada, ceelasha biyaha, Gooba lagu ciyaaro, xarumaha Korontada, Guryaha iyo xarumaha ay dhiseen Dawladii hore, jamacadaha. Xarumaha ciidanka wax kasta oo shacabku wada laha dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay wada. Joogaan. in dad ka qaar ka dhigteen hanti sigaara loo leeyahay.

Ma jirto cid ka hadli karta in hantida la boobay ay tahay hanti shacab wada lahaayeen waxaan wax iska waydiiyey arinkan

Maxay culumada aqoonta u leh diinta islamka ee soomaaliyeed kama hadlaan. Waa arin muhiima dhinaca deenta in dadka looga digo dhaqanka xun.

Dadka maamulada taageersan kama dahla’aan Mucaarada kam Xildhibaanada kama hadlaan Cid kasta oo wax garad sheegata arinka kama hadasho

Ujeedada falanqeyn taydu waxay tahay dadka soomaaliyeed ayaa kala caqli wanaagsen oo kala garanaya waxa xun iyo waxa fiican
ayaan lagaa dhaadhicin marnaba.

Dhamaan tood xaqa inay sheegaan oo walaal kooda khaldan u sheegan way ku adag tahay iyagoo ilaalinaya dhaqanka xun ee qabyaalada ku dhisan.

Magaalooyinka waa wayn ee soomaaliya ku yaal sida Muqdisho, Hargaysa, Kismaayo, Bosaaso, Garoowe, Gaalkacayo, Baladweyne, jawhar iyo Baydhabo iyo intii soo raacdaba waxa ay isaga mid yihiin in dad sharaf sheeganaya aaney runta u sheegi karin walaal kooda xoog ku boobay hantidii shacabku

Waxaa kaloo yaab ah arinkan saxaafada xorta ah kama hadli karto iyo ururada rayidka ah
Wado dhexdeeda Guri laga dhex dhisay lagama hadli karo ama suuq laga sameeyey
Arinka aduunka oo dhan soomaalia uu buuka jiraa.

Waxa ugu daran ee dhaqan xumada ah Qofkii wanaagsen ee arinka ka hadla waxaa la leeyahay reer hebel ayaad neceb tahay inay hal kaan dhistaan .

Musuq maasuq ka xun ma jiro arinka ah in hantida dadka ka dhaxaysa hantigaara loo badalo.

Qofkasta oo siyaasada soomaaiya ku jiraa meelkasta haga jiree wuxuu ilaalinayaa dantiisa Gaarka ah kama hali karo in uu bulshada tuso waxa saxda ah iyo waxa khaldan isagoo ka bilaabaya kuwa dadka ugu dhaw

Dad badan waxay maqlaan soomaaliya waxaa ka furay jaamacado sigaara loo leeyahay dadku isma waydiin dhismaha jaamacada ay ku taal markii hore maxay ahay?

Hadii Gurigii aqoonta ma noqon karta hanti bulshadu wada lahayd oo la boobay?

Qoraal kaygu waa Qoraal ka yimid maskax caafimaad qanta oo dadka si fudud u tusaysa
Wali way adag tahay inaan dawlad dhisano intaan diidanahay inaan wax wada leenahay aan wada ilaalino.

Hadalka dawlada Faderaalka ee ay xukumada Raysal wasaare khayre hadal qabsiga u ah kalmada (isla xisaabta ) soomaali oo dhan waa in ay mark hore isla xisaabtan ka bilowdaa maxaan wada leenahay.

Hantida bulshada wadaleedahay waxaa wax ku leh qof kasta oo dalka u dhashay, ha ahaado agoon,mid jirran,mid sabool ah.

Qofkan ee boobay hantida dadku wadalahaayeen wuxuu sababay inuu burburiyo dal dhan,xagga aakhirona waxaa farqa qabsan doona dhammaan dadka dalka laleh.

Waxaan falanqeyn tayda ku soo gaba gabay nayaa dadka soomaaliyeed waa inay wax badan isaka waydiiyaan. Maxaa khalda oo loogu guulaysan la yahay in. Dawlad wanaagsen lahelo

Dawlad wanaagsen waxaa hela dadka markay gaaraan inay kala bartaan waxa wanaagsen iyo waxa xun.

Qore Danjire Maxamed Caalim.