Maamulka Baardheere Oo Qeylo Dhaan Ka Muujiyay Xaaladda Magaaladaasi

Inta la ogyahay illaa 500 oo qoys oo ku noolaa illaa Afar Xaafadood oo ku yaala degmada Baardheere ,una dhow hareeraha uu maro Webiga Jubba, ayay saameysay fatahaad uu sameyay Webiga todobaadkan, xaafadahaasi dadku ay ka barakaceen guryahooda ayaa waxaa ka mid ah,Musawa,Bulo kulow,Kurmaan iyo Buulo kaskey.

Xuseen Cabdi Xalane waa Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere ayaa shabelle u xaqiijiyay in fatahaadda Webiga uu geystay ay ku barakaceen dad ka badan illaa 500 oo Qoys, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu Webiga gaysto.

Waxuuna ugu baaqay hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Soomaalida in gurmad Bani’aadinimo ay la soo gaaraan Qoysaskaasi.