Falanqeynta Siyaasadda: Go’aan dhexdhexaadnimo ah iyo hala itaageero isma raacikaraan

Waa maxay xiriirka siyaasada arimaha dibada?

Guud ahaan marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah waa xiriir ka dhexeeya dalalka xorta ah ama madaxa banaan. Xiriirkaas oo noqon Kara dhinacyo badan sida Siyaasada, Dhaqaalaha/Ganacsiga, Bulsho, Dhaqan, amaan iyo difaaca sidoo kale isu xulufeeysiga go’aanada waaweyn dano siyaasaadeed laga leeyaha.

Xiriirka caalamiga ma laha wax loo yaqaan go’aan dhexdhexaadnimo ah oo aan lahay awood aad ku fulin karto.

Xukumada uu hogaamiyo Raysal wasaare khayre waxay dhex dhexaad ka tahay khilaafka dhexyaala Dawlada Turkiga iyo Dawladaha ku midaysan ururka EU.

Waxay kaloo dhex dhexaad ka tahay khilaafka dhexeeya Dawlada Qatar iyo dawladaha khaliijka Qaarkood sida sacuudiga iyo imaaraadka.

Dawlada federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday markasta inay qaadanayso go’aan dhexdhexaadnimo ah.

Khilaafka ka dhexeeya saxiibadeeda caalamka.

Waxaa wanaagsen in aan wax iska waydiino dhex dhexaad waxaa noqon kara Dawlad isku filan dhinac kasta oo awood ciidan led iyo mid aqooneed

Ilaa markii soomaaliya xorowday ilaamaanta waxaa dhibaato badan naga soo gaartay Go’aamada sida fudud u gaaraan dawladaha soomaaliya soomaray ee ku dhisan siyaasada caalamka . iyo danta shacabka soomaaliyeed.

Anigu waxay ilatahay in Dawlada madaxweyne Farmaajo ay caqabad kala kulmi doonto Go’aanka ay u bixisay dhexdhexaadnimo kaas oo cadaw badan u yeelaya. Waxaa na saaran.

Cunaqabateynta hubka waqti dheer ayaa la saaray wadanka soomaaliya 1992.

Way adag tahay inaan beesha caalamka ka dhaadhicino in cunaqabateynta hubka nagala qaado inta somaaliya dekedaheedii la isku haysto iyo khilaafka Turkiga iyo EU ama khilaafka khaliijka.

Siyaasadaha arrimaha dibada iyo xiriir ka dhexeeyo go’aan dhexdhexaadnimo waxay keentaa in aad waydo dawladu kugu taageera horumarkaaga hadey siyaasadaadu noqotey dhexdhexaadnimo.

Qore Danjire Maxamed Caalim.