Sh.Xuseen “Gar-gaarka loogu talagalay Dadka Reer Hiiraan, halagu bixiyo si loo siman yahay”

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa ka digay in isdaba mareyn lagu sameeyo gurmadka loo wado dadka ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Magaalada Baladweyne.

Sida uu sheegay horay ayay u dhacday dhacdo lagu musuq-maasuqay gurmad u socday Bulshada guud ee Gobolka, kolkii dambane reero gaar ah loo qeybiyay sida uu hadalka u dhigay.

Ka gudoomiye Arrimo Bulsho ahaan waxa uu soo jeediyay in Ugaasyada iyo Culimada loo dhiibo gar-gaarka si ay Cadaalad ugu qeybiyaan dadka dhibaateysan.

Waxa uu sheegay in aanan Maamulka ama dad gaar ah u socon Gar-gaarka balse guud ahaan Shacabka Baladweyne ay u wada siman yihiin.

Dadka ka barakacay Magaalada Baladweyne, kuwo fara ku tiris ah oo qeybo kamid ah Magaalada Ku haray iyo qeyb kaloo laga saaray Magaalada ayaa ah gurmad sugayaal.

Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle ayaa kulamo aanan dhamaad laheyd la qaadanayay Xubno katirsan Dowladda Federaalka, Hay’adaha Samafalka iyo Ganacsatada Gobolka Hiiraan, si gurmad loogu gaarsiiyo.