Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir gudoominaya shirka looga hadlayo Amniga Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels

Muqdisho- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu uga qeyb galo shirka looga hadlayo guud ahaan ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo ka warbixiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in uu shir guddoomin doono shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka Militeriga si ay ugu diyaariyaan in ay amaanka dalka kala wareegaan Ciidanka AMISOM.

“Ra’iisuul Wasaaraha waxa uu shir gudoominayaa shir looga hadlayo dhisidda amniga Soomaaliya oo ay ugu horeyso ciidanka Meleteriga iyo sidii ciidankeennu ugu guuleysan lahaayeen in AMISOM ay kala wareegaan amniga wadankeenna”, ayuu yiri safiir Fiqi

Inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo Brussels waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayaa madaxda kasoo qeyb gasha kulanka khuseeya amaanka Soomaaliya.