Ololaha Dawlad-Wanaaga Usbuucii dhaqanka Jaamacada Jobkey 2018

Usbuucii dhaqanka Jaamacada JOBKEY Ayaan maalintii ugu danbeeysay la soo gaba-gabeeyey Gudoomiyaha Jaamacada Jobkey Ustaad Abdel Aziz Caagane ayaa soo xiray maalmihii loo asteeyey Dhaqanka Soomaaliya ayada oo maanta ahayd gabagabadii laguu soo bandhigay cunto soomaali, riwaayad ka turjumeeysay dhaqanka soomaaliyeed iyo suugaanta oo halkaa ka marneeynin islamarkaasna Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Maaxi ku soo bandhigay Shirib aay ardaydii,macalimiintii, waalidiintii, maamulkii ugu sareeyey iyo marti sharaftii kale ee halkaas iskuugu timid aay aad uga heshey Shiribkaas ayadoo celisna waa tanaa.
S H I R I B
……………………………………………………………………
(Afar walxaad alif ku taal amuur ku saabsan yey imaan)
1. Aargoosashiyo eex qabiil…amuur ku saabsan yey imaan
2. Waa eednay isla weyninkii…anaa irina yey imaan
3. Adeegii guud ee ummadaan…waxaan aheynu yey imaan
4. Uur damac waa af dheeryahee…is aamin darro yey imaan.
Jaamacada Jobkey iyo Maamulkeeda, ardaydeeda macalimiinteed iyo dhamaan shaqaalaheeda ha guuleeystaan Insha Alaah.
#Sinaan iyo #Cadaalad